Tuesday, July 1, 2025

Afhayeenka Musharixiinta oo u jawaabay Madaxweyne Qoorqoor: “Isaga ayaan jawaab ka sugeynay…”

Afhayeenka Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xersi Maxamed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor inuu ka been sheegay waanwaantii socotay ee Doorashada.

“Madaxweyne Qoorqoor waxay ahayd inuu 3 maalmood gudahood jawaab nagusoo celinayo, wax jawaab ah kama heyno… waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab waan ka waayey dhinaca kale.. ma jirto wax jawaab ah oo Qoorqoor nooga timid…” ayuu yiri Afhayeenka Musharixiinta.

Ridwaan Xersi ayaa caddeeyay inaysan suuragal ahayn in la boobo doorashada dalka, ayna nasiib darro tahay in go’aan aan loo dhammeyn ay qaadato dowladda Federaalka, wuxuuna intaas ku daray inaan wax xal ah laga gaarin arrinta Doorashada Somaliland, Gedo iyo Guddiyada ay ku jiraan saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.

“Madaxweyne Farmaajo dalkan doorasho xor iyo xalaal ah kama rabo… waxaana daliil u ah inuusan ka hadlin xaaladda adag ee dalku marayo.. wixii ka yimaada doorasho boob iyo ku-shubasho ah waxaa qaadi doona Madaxweynaha iyo ciddii gacanta ku siisay..” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta.

Dhinaca kale Musharixiinta Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay shir degdeg ah yeeshaan saacadaha soo socda, ayna go’aan kasoo saaraan go’aanka dowladda qaadatay, iyadoo sidoo kale go’aan kale laga filayo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON