Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim (Macalimuu) oo shalay ku dhaawacmay qarax lala beegsaday gaarigiisa ayaa la xaqiijiyey in dalka dibaddiisa loogu qaadayo caafimaad ahaan.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa wada qorshaha lagu duulinayo Afhayeenka, iyadoo loo qaadayo dalka Turkiga, halkaas oo caafimaadkiisa lagula tacaali doono, kadib dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax is-miidaamin ah.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo xalay Isbitaalka Digfeer ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta Turkiga ee xaaladiisa gacanta ku heysa.
Inta badan mas’uuliyiinta iyo dadka ladan ayaa dhaawacyadooda loo qaadaa dalalka dibadda, siiba Turkiga, iyadoo isbitaallada dalka aysan lahayn takhasusaad iyo qalab sare oo la isku halleyn karo.
