Tuesday, June 24, 2025

Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir oo laga sii daayey Xabsi Gurigii la geliyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane uu  dib u helay xoriyadiisa, kadib xabsi guri la geliyay.

Afhayeenka oo ah sarkaal ka tirsan Nabadsuggida Soomaaliya, ayaa taliyaha NISA uu duld higay amar ah inuusan ka bixi karin gurigiisa ilaa amar dambe. Taasoo  ka danbeysay shir jaraa’id oo uu habeenkii Sabtida qabtay, kaasi oo uu ku sheegay in Thaabit Duqii hore ee Muqdisho loo doortay laba sano inuu sii hoggaamiyo Gobolka Banaadir.

Dadaallo kala duwan oo mas’uuliyin ka tirsan dowladda ay sameeyeen ayaa la sheegay in in xoriyadiisii uu dib  helay Afhayeen Xalane oo hadda la sheegay in xilkiisa uu weyn doono, lagana joojiyey shaqadii afhayeennimo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON