Agaasimaha cusub Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimahii hore oo xilkaasi iska casilay.
Agaasimaha Guud oo dhowan uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh xilka kula wareegay munaasabad ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta iyo agaasimeyaasha Madaxtooyada.
Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimihii hore ee Madaxtooyada ayaa u mahad celiyey Madaxweynaha, maamulka iyo hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay, isagoo tilmaamay in sanadkii uu Xafiiska joogay uu wax la taaban karo ka qabtay.
Agaasimagh cusub Cabdixakiim oo horey u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka.