Monday, June 30, 2025

Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo jawaab ka bixiyey Eedeyntii uga timid dowladda Itoobiya

Agaasimaha Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid dowladda Itoobiya oo ku saabsan inuu taageero diblomaasi iyo milateri siinayo jabhadda TPLF Gobolka Tigray.

Qoraal jawaab ah ayuu Dr. Tedros oo kasoo jeeda Qowmiyadda Tigreega, wuxuu ku yiri: “Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, taasina ma ahan arrin sax ah, waaxaana sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda”.

Agaasimaja WHO ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Gobolka Tigray inay wadahadal ay kusoo afjaraan xiisadda si adeegyada caafimaadka iyo gargaarka loo gaarsiiyo shacabka, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay qasaaraha ka dhashay dagaalka.

Madaxda Itoobiya ayaa ku eedeeyay Dr. Tedros inuu dibadda ka wado olole uu ku taageerayo Jabhadda Tigray. Taliyaha ciidamada Itoobiya Berhanu Jula ayaa sheegay in madaxa ha’yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.

Wasiirka A. Dibadda Itoobiya oo isu sharxay xil sare Hay'ad

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON