Agaasimaha Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo ah kan ugu weyn ee lagula tacaalo cudurka Covid-19 ayaa dalka Turkiga looga helay cudurka xilli uu halkaas u tegay inuu Kelli u bixiyo walaalkiisa oo xanuusan.
Agaasime C/risaaq Axmed Yuusuf ayaa sheegay inuu qaatay labadii jeer ee tallaalka Covid-19, haddana laga helay cudurka, wuxuuna intaas ku daray inu hore ugu dhacay cudurka, balse aanu dareemeynin wax calaamad ah.
“Waxaan jecleestay inaan Walaalaha Soomaliyeed aadka iigu duceeyay la socidsiiyo in la iga helay Xanuunka COVID-19 mar kale oo uu qaliinka dib iiga dhacay ! Waxaan horay u qaatay talaalka 2da dose mana lihi wax calaamado ah oo aad ayaan u caafimaad qabaa walaalkay oo aan killida u bixinaayo ma qabo xanuunka oo isaga lagama helin” ayuu yiri Agaasimaha oo qoraal la wadaagay Soomaalida.
Dhowaan ayaa si weyn loo bogaadiyey tallaabada uu qaaday C/risaaq Axmed oo wallaalkii oo xanuunsan u bixinaya Kelli, tallaabadaas oo lagu tilmaamay naf-hurnimo.
“Waxaan ku karantiilnaan doonaa isbitaalka ilaa aan muhiimada u imid gutana kama bixi doono inshallaah…” ayuu farriintiisa ku soo gabagabeeyay Agaasimaha Ibsitaalka De Martino.
