Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa ogolaaday una hoggaansamey xil ka qaadistii Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyay madixii shaqaalaha ee hay’adda NISA.
Kulamo gaara oo ay yeesheen Farmaajo iyo Fahad ayaa arrintan looga hadlay, iyadoo loo arkay tallaabo aanu xaq u lahayn Rooble, balse waxay wararku sheegayaan inay isla garteen inaysan ka hor imaan xil ka qaadista Madaxa Shaqaaahalaha NISA C/llaahi Aadan Kulen (Jiise), ayna aqablaan oo soo magacaabaan mas’uul cusub.
Wararka laga helay Madaxtooyada ayaa sheegaya in Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu madaxda shaqaalaha Hay’adda NISA u magacaabay nin lagu magacaabo Cabaas Yacquub Xasan oo ka mida saraakiisha sare ee NISA oo si weyn dhow hoggaanka NISA.
Fahad oo olole ugu jira inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, una tartamaya kursiga uu ku fadhiyo xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sidoo kale ah madaxa ololaha dib u doorashada Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo dadaal ugu jira inuusan sii xumaan xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaare Rooble oo lagu wareejiyey maamulka Doorashada Dadban.
