Monday, July 14, 2025

Agaasimaha Madaxtooyada oo Qarka u saaran inuu is casilo & loolan ka taagan Villa Somalia

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay is-casilaad, kadib markii kacdoon kasoo wajahay shaqaalaha madaxtooyada.Wararka ayaa sheegaya in Abuukar Balale iyo ku xigeenkiisa C/risaaq Shoole ay isku dhaceen dhowr jeer, iyadoo kan danbe lasoo baxay awood dheeraad ah oo uu garab uga helay kooxdii ololaha madaxtooyada Farmaajo.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada ayaa wajahaya kacdoon uga yimid xubnaha kala shaqeeya madaxtooyada ee u badan  dhalinyaradii Farmaajo taageertay, waxaana ku xigeenkiisa uu isku dayay inuu la wareego awoodii agaasinka madaxtooyada, taasoo keentay inay isku dhacaan labada mas’uul ee ugu sareeya shaqaalaha Madaxtooyada.

Khilaafka ayaa salka ku haya arrimo dhaqaale iyo qandaraasyo ay madaxtooyada kula jirto shirkado kala duwan, halka Agaasime Abuukar Baalle isku dayay inuu istiqaalad gudbiyo, taasoo madaxweyne Farmaajo la filayo inuu soo dhex galo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON