Tuesday, July 8, 2025

Agaasimaha NISA oo Dalka ka dhoofay & Ku-sime cusub oo loo magacaabay Hay’adda Sirdoonka [Akhriso Qoraal]

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa dalka ka dhoofay xilli uu hore shaqada uga joojiyey ku xigeenadiisii, wuxuuna kusime ka dhigtay kusime cusub.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha NISA ayaa lagu sheegay in shaqo awgeed uu Hay’adda NISA kusime ka yahay C/llaahi Aadan Kulane oo aan la sheegin wax xil ah oo uu ka hayo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Kusimaha cusub ee NISA C/llaahi Aadan ayaa ahaa madaxa shaqaalaha NISA oo dhowaan loo magacaabay, wuxuuna markii hore ahaa xogheynta agaasimaha NISA, waana nin uu la yimid hay’adda Agaasimaha cusub oo Madaxtooyada ka shaqeyn jiray.

Tallaabada uu Agaasime Xuseen Uurkuus shaqada uga joojiyey ku xigeenadiisa oo lagu tilmaamay sharci darro ahaa weli ka taagan hay’ada iyo xukuumadda Soomaaliya, waxayna arrintan mar kale uga sii dartay maamulka hay’adda NISA oo intii uu xilkeeda la wareegay Agaasimaha Xuseen uu ka taagnaa khilaaf.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON