Tuesday, April 16, 2024

Agaasimaha NISA oo shaaciyey inuu kordhiyey Mushaarka Ciidamada NISA (Akhriso Shaxda)

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa shaaciyey inuu kor u qaaday Mushaarka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda.

Sida lagu faafiyey Warbaahinta Dowladda Agaasime Mahad Salaad ayaa go’aansaday inuu kordhiyo xuquuqda si sare loogu qaado dareenka qeybaha ka hoos shaqeeya Hay’adda, iyadoo taasi looga golleeyahay in si hufan loo guto waajibaadka shaqo.

Warkan ayaa lagu sheegay in markii ugu horaysay Mushaarka Saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA ay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii hore ay ka hooseeyeen. Isbedellada lagu sameeyey Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA ayaa ah sidan:

Ad

1- G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

- Advertisement -

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Dhinac kale Taliyaha Hay’adda NISA ayaa la sheegay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Arrintan ayaa soo baxday iyadoo tageerayaasha Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay baraha bulshada ku faafiyeen inuu Mahad Salaad dhimay mushaarkii shaqaalaha iyo ciidamada Hay’adda NISA.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON