Sunday, July 13, 2025

Agaasime iyo Injineero ka tirsan Waaxda Dhulka ee G/Banaadir oo shaqadii laga joojiyey [Akhriso]

Maamulka Gobolka banaadir ayaa ku dhawaaqay in shaqadii laga joojiyey agaasimaha Farsamada Waaxda Dhulka ee Gobolka Banadir iyo Injineero ka tirsan waaxdaasi.

Sida uu shaaciyey xoghayaha Guud ee maamulka G/Banadir waxaa mas’uuliyiintan lagu heley inay cabireen meel wado ah oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo Gaadiidka, iyagoo ka dhigay Boosas, dhulkaas oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Cabasho gaartay maamulka iyo guddi baaritaan arrintaas loo saaray ayaa la sheegay inay xaqijiyeen in dhulka la cabiray uu ahaa sharci darro, taasoo keentay in shaqada laga joojiyo Agaasimaha iyo farsamo-yaqaanada Waaxda Dhulka ee G/Banaadir.

Waaxda Dhulka ee Gobolka Banaadir ayaa ka mida kuwa ugu musuqa badan dowladda hoose, waxaana Muqdisho si joogto ah uga socda cabirka dhulalka danta guud ee loo adeegsanayo dano gaara.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON