Thursday, June 26, 2025

Agaasime ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhintay Qaraxii Koontaroolka Sayidka ee Muqdisho..

Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Koontaroolka Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho oo ah bar laga ilaaliyo Madaxtooyada Somaaliya, una dhow xarunta Baarlamaanka Federaalka ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday agaasime ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda Insaanka xukumadda federaalka Soomaaliya Bile Ismaaciil ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxii saaka ka dhacay Waddada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa qaraxa kula kulmay isgoyska Sayidka oo ah goob gawaarida lagu baaro oo mar kasta jaam ah, ayan saf ku jiraan baabuur fara badan, waxaana dhaawac halis ah oo keenay inuu u geeriyoodo kasoo gaaray Qaraxa.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Koontarolka Sayidka ee magaalada Muqdisho; waxayna shaacisay inay ku dishay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON