Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasime ku xigeen kale oo ay yeelaneyso Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka laga helay Guud ee Madaxtooyada ayaa sheegaya in agaasime xigeenka cusub lagu magacaabo C/llaahi Aadan Kulane, oo noqon doona agaasime ku xigeenka Koowaad ee Madaxtooyada.
Magacaabistan ayaa imaaneysa iyadoo ay hore xurguf loolan awoodeed u dhex taallay agaasimaha guud Abuukar Baalle iyo ku xigeenkiiisa C/qaadir Shoole oo isku dhacay kadib awoodo dheeraad ah oo uu lasoo baxay Shoole.
C/llaahi Kulane ayaa laga dhigay agaasime ku xigeenka koowaad, taasoo hoos u dhigeysa awoodii agaasime ku xigeenkii hore ee C/risaaq Shoole oo la sheegayo inuu saaxiibo la yahay ragga ugu waaweyn maamulka Farmaajo.
Goobjooge.com