Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaas C/risaaq Axmed Shoole oo hore u ahaa agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya.
Safiirka cusub C/risaaq Shoole ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo u mahad celiyay Madaxweyne Al Bashiir iyo Shacabka Suudaan sida wanaagan ay usoo dhaweeyeen.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Suudaan Usama Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu adkeeyay rabitaanka Suudaan ee iskaashi dhex mara Dowladaha Soomaaliya iyo Dalkiisa oo dhan walba ah, isagoo sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu balanqaaday in Dowlada Suudaan ay safiirka ka gacan siineyso sidii uu u gudan lahaa Howlaha loosoo igmaday.