Agaasimihii uud ee Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu si degdega xilka uga tegay, kadib khilaaf muddo kala dhaxeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka.
Agaasimaha Xasan Maxamed Saciiid Samatar oo June 2021 uu xilka u magacaabay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoraalkiisa ku sheegay inuu xilka iska casilay, si degdeg ahna uga tegay, isla shalay 19-ka November 2022, kadib markii uu muddo bil ah wax jawaab ah ka waayey Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wuxuu sheegay inuu shaqo ka joojin sharci darro ah ku sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur 19-kii Oktoobar 2022, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay ka wada aamuseen arrintiisa.
Wuxuu ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur inuu ku dhaqaaqay carqaladeynta qaab dhismeedka Wasaaradda iyo kala danbeynta, taasoo ugu danbeyn markii waxba laga qaban waayey keentay inuu xilka iska casilo agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samantar.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA IS-CASILAADDA