Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maleeshiyada Ahlu suna ay dagaal ku qaadeen aagga Saldhigga Booliska magaalada oo ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda gaareen saaka.
Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayaa agagaarka saldhiga, halka wararka qaar ay sheegayaan inay Ahlu suna dib ugu laabatay Xarunta Saldhigga oo ay xalay ka baxday, kadibna ay dhinacyada ka degeen ciidamada huwanta.
Wararkii ugu danbeeyay aya asheegay in ciidmada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ay dib u qabsadeen Saldhigga iyo agagaarkiisa, iyadoo dagaalku u wareegay dhinaca aagga Jaamacadda.
Xaaladda magaalada Guriceel ayaa ah mid colaadeed, waxaana dagaalka socda uu yahay mid goosgoos ah oo mararka qaar xoogeysanaya, waxaana magaalada ku sugan dad u badan dhalinyaro oo looga tegay guryaha iyo hantida kale.
Ahlu suna ayaa u muuqata inay sii xoojisay aagagga ay Guriceel uga sugan tahay, ayna ka go’an tahay inay difaacato qeybaha ay ka heysato magaalada.
