Wararka laga helayo magaalada Guriceel ayaa sheegaya inuu mar kale dagaal ka qarxay dhinacyo ka mida magaalada Guriceel, kadib markii ay weerar rogaal celis ah soo qaadeen Ahlu-suna.
Kadib markii ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka ay magaalada ka saareen Ahlu suna maanta duhurnimadii, ayaa mar kale waxaa weerar rogaal celis ah waxa galabta xilli danbe ku galay magaalada Ahlu suna oo ciidamo gurmad ah heshay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ahlu suna ay dib ugu laabtay Guriceel, ayna la wareegtay qeybo ka mida magaalada Guriceel oo ay caawa ku sugan yihiin, sida Saldhigga iyo xarunta degmada. Xaaladda ayaa kacsan waxaana muuqata in dagaalka Guriceel oo jawi kale galay.
Dhinaca kale aya waxaa soo baxaya qasaare baaxad leh oo ka dhashay dagaalka, waxaana ku dhintay ciidamo badan iyo saraakiil dhowr ah oo tacsida loo dirayo ay hareysay baraha bulshada.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey inuu dagaalka ku dhintay Taliyihii Ciidamada Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyle), kadib dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Guriceel ka dhacay.
