Ahlu suna ayaa ku gacan seyrtay shuruudaha loo dhigay xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug ee ay shalay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug ee xukuumadda Soomaaliya ay dhistay.
Qoraal ka soo baxay madaxa Ahlu suna ayaa lagu sheegay in shuruudaha Guddiga Dowladda soo saareen aysan quseynin xildhibaannada ka imaanaya Ahlu suna, isla markaana heshiiska ay la galeen dowladda iyo beesha caalamka uu sidaasi dhigayey, ayna tahay in sidiisa u fulay.
Guddiga Farasamada dowladda Soomaaliya ee maamul u sameynta Galmudug ayaa soo saarya 11 shardi oo ay tahay inuu buuxiyo qofka ka mid noqonaya xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin in imtixaan asaasi ah laga qaado iyo inuusan wax dembi ah gelin, kana mid noqon kooxaha Xagjirka ah.
HOOS KA AKHRISO
