War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa lagu shciyey ianysan Alu suna qeyb ka aheyn Doorashada Galmudug oo uu ku eedeeyay inay boobtay Dowladda Federaalka ayna dooneyso inay maamul uga dhisto Galmudug.
Qoraalka Sheekh Maxamed Shaakir ayaa algu sheegay in la boobay doorashadii Guddoonka Baarlamaanka, isla markaana wuxuu ugu baaqay musharixiinta iyo daneeyayaasha Galmudug inay isugu yimaadaan shir lagu dhisayo maamul mideysan oo loo dhiso Galmudug.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii 5 xubnood oo ka mida Guddiga Doorashada, ayna magacawday Ahlu suna ay diideen ka qeyb galka kulamadii Guddiga haddii aan loo dooran Guddoomiyaha Guddiga oo Ahlu suna xubin ka tirsan u soo diyaarisay.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
