Wasaaradda Arrimah Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay heshiis cusub ay gaaren Ahlu suna iyo dowladda Soomaaliya, kaasoo ku saabsan tirada xildhibaannada ee ay Ahlu suna ku yeelanayso Baarlamaanka Galmudug.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu sheegay in Ahlusuna la siiyey 20 kursi oo ay ku yeelaneyso Xildhibaanada cusub ee Galmudug, kuwaasoo ka imaanaya 89 kursi ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana heshiiskan uu ka danbeeyay markii labada dhinac ay culeys saartay beesha caalamka, iyadoo Ahlu suna ay dooneyso inay 35 xubnood.
Heshiiskan oo ay hore u soo bandhigtay Goobjooge.com [Akhriso] ayaa dhabbaha u xaaraya in la dhiso xildhibaannada cusub ee Galmudug, ayna dib u bilaabato dhismaha maamulkaasi oo hakad ugu jiray khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Ahlu suna.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA
