Wednesday, June 25, 2025

Ahlu-sunada Hubeysan ee Xeraale oo hor timid heshiiska Jabuuti ee Galmudug & Ahlu suna

Garab ka mida kooxda Ahlu suna oo qaab beeleed u abaabulan ayaa ka hor yimid heshiiska ay magaalada Jabuuti ku saxiixdeen maamullada Galmudug iyo Ahlu suna.

Guddoomiyaha golaha talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan heshiiskii ka dhacay Jabuuti, wuxuuna sheekhani ka mid ahaa madaxda sare ee Ahlu suna intii aanay dowlad Goboleed isu bedelin, iyadoo xilka uu hayo aan laga qaadin.

Sheekha ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay inuu yahay mid aan lagala tashan oo shaqsiyaad gaara dhex maray, wuxuuna caddeeyay inaysan aqbaleynin, isla markaana degaanada ay ka taliyaan ee Gobolka Galgaduud aan laga hirgelin karin.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ahlu suna  Axmed Ducaale geelle xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa hore uga hor yimid madaxweyne kuxigeenka Ahlu suna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON