Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa la shaaciyey inuu Sabtida 21-ka Agoosto, 2021 ka furmayo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxaa shirka guddoominaya Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana ka qeyb galaya Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka ayaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin:
1- Diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka
2- Diyaarinta habraacyada doorashooyinka
3- Raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka
4- Iyo sidii horey loogu socon lahaa Doorashada Aqalka Sare ee harsan.
Waxaa mMagaalada Muqdisho ayaa ku suggan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug oo galabta soo gaaray, iyo Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble oo kasoo laabtay socdalakii dalka Masar.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lafilayaa inay Muqdisho soo gaaraan maalmaha soo socda ka hor Sabtida.
