Monday, July 7, 2025

AKHRISO: 9 Qodob oo ku jiray Khudbadii Madaxweynaha Turkiga ee Dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi

Madaxweynaha Turkiga ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Ankara uga hadlay dilka saxafiga Sacuudiga ee caanka ahaa Jamal Kashoqgi, iyadoo si weyn loo sugayey khudbadan.

Erdogan oo aan soo bandhigin xog cusub oo ku saabsan kiiska dilka saxafiga Jamal  Kashoqgi ayaa dhinaca kale si farsameysan uga hadlay xaaladdaha ku wareegsan kiiskan, wuxuuna meesha ka saaray farisaaradda Sacuudiga, isagoo dalbaday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo.

HOOS KA AKHRISO QODOBADDA UGU MUHIIMSANAA KHUDBADII MADAXWEYNE ERDOGAN:

1- Dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi wuxuu ahaa mid si weyn looga shaqeeyay iyo shirqool fool xun oo aan ahayn dhacdo iyo arrin ku timid dagaal ka dhacay Qunsuliyadda.

2- In saddex xubnood ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ay kormeer ku sameeyeen keymaha duleedka magaalada Istanbul ka hor intii aanu dhicin dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi [si loogu qariyo jirkiisa].

3- Wuxuu Erdogan dalbaday in Sacuudigu caddeeyo kiiskan iyo dadka ku lugta leh heer hoose ilaa heer sare [Cidda amartay iyo ciddii soo dirtay kooxda dilka geysatay].

4- Wuxuu ka dalbaday in 18-ka qof ee ku eedeysan dilka Saxafiga in Turkiga lagu maxkamadeeyo oo ah halkii uu dembigu ka dhacay.

5- Wuxuu sheegay inuu weli baaritaanku socdo, wuxuuna soo dhoweeyay baaritaan caalami ah oo lagu sameeyay kiiskan dilka Jamal Kashoqgi.

6- Inay jiraan dalal taageero ka geystay kiiskan oo ku lug yeesahy dilka Saxafiga Sacuudiga, kuwaasoo ay tahay in la caddeeyo

7- Wuxuu marar badan amaan iyo bogaadin u jeediyey boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis, isagoo aan soo hadal qaadin dhaxal-sugaha dalkaasi Mohamed Bin Salman oo fartu ku godan tahay.

8- Wuxuu ugu baaqay Boqorka Sacuudiga inaan kiiskan lagu koobin 18-ka qof ee ku eedeysan ee cadaaladdu ay gaarto kuwii amray iyo madaxdii soo dirtay kooxda dilka fulisay.

9- In dib loo eego heshiiska Diblomaasiyadda ee Veina, kasoo caqabad ku noqday in xilligii loo baahnaa la galo lana baaro Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ee dilku ka dhacay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa khudbadiisa laag fahmay inuusan soo bandhigin xogta kiiskan oo dhan oo weli baaritaankiisa uu socdo, wuxuuse caddeeyay in si waxashnimo ah loo dilay saxafiga, isagoo mas’uuliyadda oo dhan dusha ka saaray Boqortooyada Sacuudiga.

Xisbiyada Mucaaradka Turkiga ayaa si weyn u dhaliilay madaxweynaha Turkiga inuu u debecsanaaday Sacuudiga isagoo dambi ka dhacay Turkiga ka sugayo cadaalad ka timaada Sacuudiga, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON