Golaha Shacabka ee Baarlamaan Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah yeelanaya kulankoodii labaad ee Kalfadhiga 5aad, kadib markii uu kooram la’aan u baaqday labadii maalmood fadhigii koowaad Sabtidii iyo Isniintii.
Xogheynta Baarlamaanka ayaa xalay shaacisay in Ajendayaasha kulanka berri ay kala yihiin: Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Warbixin looga dhageysan doono Guddiga dib u eegista Dastuurka Baarlamaan Soomaaliya.
Ajendaha maanta ee Baarlamaanka ayaan lagu soo darin oo laga saaray, mooshinkii xaaladda amniga oo ay soo jeediyeen xildhibaan gaaraya 17, kuwaasoo buuq ka dhaliyey fadhigii koowaad.
Guddoomiya Mursal ayaan la ogeyn waxa uu uga hadli doono hadaljeedinta cusub ee la siiyey, laakiin xildhibaanno ku dhow ayaa sheegaya inuu doonayo dejinta xaaladda kacsan ee xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka oo doonaya inay xukuumnadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre soo gole joojiyaan.
Farriinta Xogheynta Baarlamaanka diray ayaa u qoran sida soo socota: Maalinta beri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 03-04-2019, waxaa jira kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ajendaha kulanka ayaa ah:
1. Hadal jeedinta guddoomiyaha Golaha Shacabka.
2. Warbixinta Guddiga dib u eegista Dastuurka.