Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Laba cod u qaaday Xeerka Shirkadda DP World [11 xildhibaan oo soo jeedisay bedel…]

Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay xeerkii dhowridda midnimada iyo Gobanimada Soomaaliya, kadib dood laba maalmood qaadatay iy laba cod oo la geliyey xeerkan.

Kulankii Aqalka sare ee maanta oo ahaa fadhigii saddexad ee kalfadhiga 3aad, ayaa waxaa soo xaadiray 36 sentor , waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaasi, iyagoo ay joogeen labada guddoomiye ku xigeen ee Aqalka Sare.

Doodii ka dhalatay xeerka dalka looga mamnuucay shirkadda Imaaraadka ee DP World ayaa keenay in guddoonka Aqalka Sare uu laba cod u kala qaado cod bixinta oo marka hore loo codeeyo:

1- In  xeerka sidiisa loo gudbiyo ama wax ka bedel ayaa lagu sameeyo?

2- iyo Cod-bixinta labaad oo loo qaadayo Ansxinta Xeerka?

Codeyntii koowaad ee ahaydi n xeerka sidiisa loo gudbiyo ama isbedel lagu sameeyo ayaa waxaa sidiisa in loo qaato u codeysay, 24 Xildhibaan, halka 11 Xildhibaan u codeeyeen in isbedel lagu sameeyo, waxaana ka aamusay hal xildhibaan.

Codeyntii labaad oo ahayd in Xeerka la ansixiyo ama la diido, waxaa ansixintiisa u codeysay 28 xildhibaan,  6 Xildhibaan ayaana diiday, halka 2 Xildhibaan ay ka aamuseen.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidaasi wadajir isugu raacay go’aanka shirkadda DP World looga mamnuucay inay Soomaaliya ka howlgasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON