Sunday, July 13, 2025

AKHRISO: Aqalka Sare oo War-cad soo saaray [Mooshinnada madaxda Dowlad Goboleedyada oo la dalbaday…]

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa soo saaray qoraal uu ku baaqayo in la joojiyo dhammaan mooshinada socda ee madaxda maamul Goboleedyada laga wado, isagoo sheegay inuu Wufuud u kala dirayo dhammaan maamul Goboleedyada dalka ka jira.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu maanta kulankiisa 17aad ee 12 September 2018 ku guddoonsaday qodobada soo socda:

1. Guddigu isaga oo tixraacaya go’aannadii ka soo baxay kulankii 16aad ee September 10, 2018 waxa uu guddoonsaday in uu wufuud u kala diro dhammaan Dowlad Goboleedyada; si ay ugu kuurgalaan, warbixin dhab ahna uga keenaan xaaladda amni, siyaasadeed, nololeed iyo midda federaaleynta Dalka si xal looga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka hadda ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2. Si wufuuda Aqalka Sare u dirayo dhammaan Dowlad Goboleedyada u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah loogana miro dhaliyo xal u helida khilaafka iyo ismaandhaafka taagan, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu baaq u dirayaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh abaabulka iyo sameynta soojeedinada (Motions) ka dhanka ah Madaxda kala duwan ee Dowlad Goboleedyada in ay si deg deg ah u joojiyaan iyaga oo fursad siinaya dadaalka xaldoon ee Golaha Aqalka Sare uu ku raadinayo xasilooni siyaasadeed iyo is faham guud.

3. Waxa uu Aqalka Sare ku boorinayaa mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay joojiyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan.

4. Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu ka codsanayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaallada dastuuriga ah ee Aqalka Sare ku raadinayo xal laga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda taagan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON