Tuesday, June 24, 2025

AKHRISO: Astaamaha Baabuur Qaraxyo sida oo Caawa laga raadinayo Magaalada Muqdisho

Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ka digaya caawa gawaari qaraxyo sida oo ku jira magaalada Muqdisho oo geysan kara qaraxyo.

Wararka ayaa sheegaya in laga war helay in kooxda Alshabaab ay magaalada Muqdisho soo gelisay laba gaari oo qaraxyo sida, waxayna kala yihiin:

1- Gaari Toyota Harrier ah o midabkiisu cad yahay

2- iyo Gaari NISSAN minivan ah oo Qalin ah

Ciidamada ayaa caawa olole ka wada magaalada iyagoo raadinaya baabuurtan la sheegay in loogu talogalay in lagu geysto weerarro qaraxyo ah.

Xaaladda amni ee magaalada ayaa caawa laga dareemayaa in heegan sare ay ku jirto iyadoo ciidamada ay baarayaan gaadiidka wadooyinka, waxaana dadaal loogu jiraa in laga hortago qaraxyo dhaca.

Wasaaradda Amniga ayaa culeys ku saartay ciiiamada ammaanka iyo taliyeyaasha ciidamada inay ka hortagaan amaandarrada magaalada.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON