Kulan ay maanta yeesheen xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta dood kulul ka dhacday, iyadoo qaar kamida senatoorada ay taageeraan madaxda maamul Goboleedyada ka hor yimid dowladda Federaalka.
Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ku kala qeybsan sharcinimada tallaabooyinka ay ku kaceen maamul madaxda goboleedyada, waxayna qaarkood cudurdaar u sameeyaan madaxda maamullada iyagoo difaacay tallaabooyinka ay qaateen.
C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille) ayaa ku dooday in golaha ay sameysteen madaxda maamul goboleedyada uu ku yimid cabsi ay ka qabaan faragelin uga timid dowladda Federaalka, kuna dhisan yahay cabsi iyo is difaac.
Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi ayaa difaacday maamulka Galmudug iyagoo dowladda ugu baaqday inay joojiso faragelinta ay ku heyso maamulkaasi, waxayna sheegtay inay xaq u leeyihin shirar ay ka yeeshaan dhexdooda.
C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mida senatoorada Aqalka Sare ayaa isagu sharci darro ku tilmaamay golaha ay dhiseen maamul Goboleedyada ee Iskaashiga la baxay, wuxuuna caddeeyay in jirin wax Gole iskaashi la yiraahdo oo sharci ah.
Maxamed Amiin oo iska ka mida xildhibaana Aqalka Sare ayaa sheegay in Aqalka sare uu ka gaabiyay shaqadiisii oo aanu iminka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada midna kalsooni ka heysan.
Xubnaha Aqalka sare oo metela maamul Goboleedyada ayaan wax xiriir ah la lahayn maamullada, isla markaana aan tegin xarumaha maamulladaasi, waxayna ku kooban yihiin magaalada Muqdisho.