Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO Go’aanadii kasoo baxay shirkii degdegga ahaa ee Golaha wasiirada xukuumadda

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

Golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

  1. Isgaarsiinta
  2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
  3. La-Dagaalanka Argagaxisada
  4. Runta & Dib u Heshiisiinta
  5. Dawladaha Hoose
  6. Dambiyada Kufsiga
  7. Muwaadinimada
  8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
  9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
  10. Badda
  11. Kheyraadka Biyaha
  12. Tamarta
  13. Maareynta Maaliyada
  14. Istaatiistikada
  15. Xeerka Saxaafada
  16. Waxbarashada
  17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
  18. Sharciga Beeraha
  19. Gudiga Muftida Culumada

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON