Guddoomiyaha mooshinka ka yaallo ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qodob muhiim ah uga guuleystay xukuumadda Soomaaliya, taasoo keentay in si weyn loogu cambaareeyay, una soo jiiday ceeb weyn.
Qodobkan ayaa ah ciidamo ay xukuumadda geysay xarunta Baarlamaanka, iyadoo ka saartay ciidamado si gaara loogu tababarray ilaalinta Baarlamaanka Soomaaliya oo si gaara u howlgeli jiray.
Qoraal uu guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) u diray wakiilada Beesha Caalamka oo ku saabsan qabsashada ciidamada xukuumadda ka amar qaata ee xarunta Baarlamaanka ayaa soo jiiday cambaareyn, iyadoo laga dalbaday madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha inay ciidamada la dhigay Baarlamaanka laga saaro lana soo celiyo kuwii ammaankiisa qaabilsanaa ee wasaaradda amniga ay ka qaaday xarunta.
Arrintan ayaa loo arkay faragelin laanta fulinta ay ku sameyneyso Baarlamaanka iyo arrin aan suuragal ahayn inay ku kacdo xukuumad ku dhisan Baarlamaan iyo dimoqraadiyad, iyadoo uu mar kale guddoomiye Jawaari ku celiyay in ciidamada laga dul qaado xarunta Baarlamaanka, isagoo caddeeyay in weli ay xaruntaasi heystaan ciidamado ka amar qaata xukuumadda.