AKHRISO: Guddoomiye Mursal oo shaaciyey in la xiray Kalfadigii 3-aad ee Baarlamanka [Kalfadhi ku dhammaaday Fasax]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la xiray kalfadhigii saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo in muddo ah fasax ku maqnaa.

Qoraal uu Guddoomiye Mursal u kala diray Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la ogeysiiyay Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in si rasmi ah Kalfadhiga Saddexaad loo soo xiray 10-kii bishan July ee ku beegneyd shalay.

Wuxuu qoraalkiia ku sheegay Guddoomiye Mursal inuu kalfadhiga 4aad uu furmi doono 10-ka September ee soo socoto oo muddo laba biloodah hadda ka harsan tahay, iyadoo wixii ka horeeyana ay fasax galayaan Xildhibaanada oo horeba fasax ugu jiray tan iyo bishii May 28, 2018.

Waxay arrintan micnaheedu yahay in  xildhibaannadu ku qaadanayaan saddex bilood oo fasax ah, June oo dheeraad ku ah iyo Luulyo iyo Agoosto oo caadiyan ahaa bilihii sida sharciga ah Goluhu fasaxa dastuuriga ah u geli jiray.

Fasaxa ayaa imaanayaa iyada oo ay Golahu kalfadhigii saddexaad ku qaatay xiisad xilka looga qaaday Guddoomiyihii hore. taasoo keentay in kulamo ay  golaha ka baaqdaan, kulamo kale oo dhowr ahna waxa ay Kalfadhigaan u qabsoomi waayeen kooram la’aan.

Fadhigii Baarlamaanka ayaa wixii ka dambeeyay markii la doortay Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa uu noqday mid caga jiid ah, waxaana kulamadiisa ay ahaayeen kuwo aad u yar, wuxuuna Baarlamaanka u muuqda mid barkintiisa dheereysanaya xilligan xasaasiga ah.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Fasax ku maqnaan doona ilaa bisha September [Akhriso Sababta]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

108,371FansLike
568FollowersFollow
2,500FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

108,367FansLike
568FollowersFollow
20FollowersFollow
2,500FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!