Monday, June 23, 2025

AKHRISO: Hoggaamiyeyaasha dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo gaaray Heshiiyo dhowr ah

Dowlahada Soomaaliya iyo Suudaan ayaa gaaray heshiis dhowr qodob ah, kadib wadahadal dhex maray hoggaamiyeyaasha labada dal oo wadahadal ku yeeshay Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Booqasho rasmi ku jooga Dalka Suudaan ayaa kulan uu Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi ay kula yeeshay Madaxweynaha Wadanka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ay kaga hadleen arrimo dhowr oo labada dal ku saabsan, iyagoo isla gartay Qodob dhowr.

Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa dhiggiisa Dalka Sudan uga mahad celiyey taageerida suudaan ay la garab istaagtay Soomaaliya inta ay burbursaneed ilaa haatan, gaar ahaan dhanka Waxbarashadda.

Heshiisyada ay isla garteen Labada dal waxaa ka mida:-

Waxay isla garteen labada Madaxweyne muhiimadda ay leedahay in la dhiso  Suuq dhaqaale oo ka dhaxeeya dowladdaha geeska Africa, Mustaqbalka dhowna lagu dhawaaqo Suuqa dhaqaalaha ay ku mideysany ihiin dowladdaha Geeska africa.

Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka shacabka.

In la sameeyo Guddi Siyaasadeed ee Wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac si loo dardar galiyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somalia iyo Sudan ka dhaxeeya.

Hishiisyadan ay wada gaareen Madaxda Wadamada Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u daneeynayo labada shacab ee Walaalaha ah, waxaana ay xoojinayaan Saaxiibtinimada qotada dheer ee dhaxeysa Somalia iyo Sudan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON