Guddiga Doorashada Baarlamaanka cusub ee Guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa shaaciyay jadwalka Doorashada guddoonka Baarlamaanka.
Kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho ayay kasoo saareey jadwalka hoos ku qoran oo ku saabsan Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada ku xigeen.
3-5 Janaayo 2017: Diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenada.
8-9 Janaayo 2017: Dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenada.
11 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
12 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiye Ku Xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.
Sidoo kale Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada iyadoo Xildhibaan Aadan Isaaq Cali loo doortay Xoghayaha Guddiga.
AKHRISO QORAALKA
Goobjooge.com