Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay in tiro ka badan 100 xildhibaan ay heystaan Baasaboori ajnabi ah.
Warbixin ay qortay shabakadda Wakiil ee ka faaloota arrimaha Doorashada Soomaaliya aya lagu cadeeyay in 105 ka mida 275-ta xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya ay heystaan dhalashada dalal ajnabi ah, ayna yihiin laba Baasaboorayaal.
Lama xaqiijin sida loo hubisay arrintan, laakiin xildhibaanada heysta dhalashada ajnabiga ah ee Soomaaloia waxay u kala yihiin sida soo socota:
29 xildhibaan waa Biritish
22 Mareykan
10 Kenyan
9 Kanadian
7 Itoobiyaan
6 Holland
5 Norway
5 Swedish
5 Jabuutiyaan
Iyo 7 xidlhibaan oo heysta dhalashooyinka dalal kala duwan.
Goobjooge.com