Friday, July 18, 2025

Akhriso : Kuraasta Aqalka hoose ee la kansalay Doorashadii ka dhacday Cadaado & Beelahooda

Iyadoo magaalada Muqdisho laga bilaabay bixinta Kaararka aqoonsiga xildhibaanada aan dacwad ka taagneyn ayaa waxaa soo baxaya kuraas la kansalay doorashadoodii.

Kuraasta ugu badan waxaa laga joojiyay maamulka Galmudug, waxayna xogta ay Goobjooge.com heshay sheegeysaa in Galmudug doorashii Cadaado ka dhacday laga kansalay 5 kursi oo dacwad ka taagan tahay.

Kuraasta Guddiyada Doorashada ay diideen inay aqoonsadaan doorashadii lagu galay Cadaado waxay kala yihiin

Beesha H/Gidir: 2 Kursi

Beesha Murusade: 2 Kursi

Beesha Sheekhaal: 1 Kursi

AKHRISO: Liiska rasmiga ah ee xubnaha la laalay Xildhibaannimadooda

Kuraasan waxaa ugu weyn kursiga uu ku guuleystay Maxamed Axmed (Abtidoon yare) oo ay dacwad ka qortay Caasha Xaaji Cilmi.

Dhibaatada ugu weyn ee hadda soo shaac baxday ayaa ah in xubnaha Guddiga Doorashada ee Galmuduug u joogay iyo xubnaha fadhigoodu yahay Muqdisho uu khilaaf weyn u dhaxeeyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON