Miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2017 ayaa lacagta ugu badan ay ku baxeyso arrimaha maamulka iyo xafiisyada.
Lacagaha ugu badan ee miisaaniyadda ayaa ku baxaya labada aqal ee Baarlamaanka iyo xafiisyadooda oo loo qoondeeyay lacag ku dhow 15.6 Milyan oo doolar (Toban iyo Shan Malyan iyo lix boqol kun oo doolar), halka xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha ay ku baxeyso midkiiba lacag 2.8 Milyan oo Doolar (Laba milyan iyo sideen boqol kun oo doolar.
Marka la isku daro saddexdan Hay’adood waxaa ku baxeysa lacag ka badan 21 Milyan oo Doolar. Dhinaca kale Shan wasaaradood oo ay ka mid yihiin kuwa adeegga bixiya ee Caafimaadka iyo Waxbarashada ayaa marka la isku daro miisaaniyadooda aysan gaarsiisneyn 7.5 Milyan Doolar (Toddoba Milyan iyo Bar Doolar).
HOOS KA AKHRISO
Goobjooge