Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii haya ayaa maanta kulan ay ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasi lagu meel mariyey mariyeen xeerar iyo sharciyo Habraacyo ah oo quseeya Dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.
Habraacyada ciidanka xoogga ee Golaha Wasiirada xilka sii haya ayaa kala ah:
1- Habraaca hoggaanka maamulka Ciidanka Xoogga
2- Habraaca Hoggaanka maamulka iyo Maaliyadda Ciidanka Xoogga
3- Habraaca Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga
4- Habraaca Hoggaanka Gaadiidka Ciidanka
5- iyo Habraaca Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta.
Shirka oo uu guddoominayey Sii hayaha Ra’iisul ku xigeenka oo Mdaxweyne Farmaajo u magacaabay Sii-haya xilka Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansxiiyay mariyay:
1- Hindise Sharciyeedka Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha
2- iyo Hindise Sharciyeedka Siyaasadda ilaalinta Bulshada.

Waxaa sharci ahaan si weyn looga hor yimid sida xukuumad xil-gaarsiin ah oo Baarlamaanku kalsoonida kala noqday ay u meel marin karto sharciyo, iyadoo Maamul Goboleedyada, ururrada Bulshada Rayidka iyo xisbiyadda siyaasadda ay hore uga hor yimaadeen Go’aano toddobaadkii hore kasoo baxay Golaha Wasiirada xilka sii haya oo lagu magacaabay Guddiyo ay ka mid yihiin: Golaha Adeegga Garsoorka xubno ka mida iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya.