Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dacwad ku soo oogay madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Xubnaha dacwadan laga gudbiyay madaxdan ayaa waxaa shaaciyey guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ee C/raxmaan C/shakuur uu leeyahay, waxaana lagu heystaa weerarka 17-kii December 2017 lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur.
MAGACYADA C/RAXMAAN C/SHAKUUR SOO DACWADEEYAY WAXAA KA MIDA:
1- Dr. Axmed Cali Daahir -Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka
2- Fahad Yaasiin Xaaji Daahir – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya
3- C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac – Kusimaha Agaasimaha Nabadsugidda Soomaliya.
4- Saadaq Cumar Xasan – Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir
5 – C/Xakiin Nuur Ciise – Sarkaal NISA u qaabilsan arrimaha dibadda
6- Yaasiin Ganeey iyo Faarax Maxamuud Qaaroole oo ka tirsan Saraakiisha NISA.