Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka duulay magaalada Hargeysa iyagoo kusii jeeda dalka Jabuuti, halkaasoo ay uga qeyb geli doonaan shirka Somaliland iyo Soomaaliya.
Wafdiga Somaliland uga qeyb galaya wadahadalka Jabuuti waxay kala yihiin:
1- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
2- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan
3- Wasiirka Arrimaha Dibadda: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
4- Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire
5- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Xasan Sacad Iidle (Saajin)
6- Wasiirka Xoolaha iyo kalluumeysiga Siciid Sulub Maxamed
7- Wasiirkii hore ee Arrimah dibadda Maxamed Biixi Yoonis
8- Adna Aadan Ismaaciil, wasiir hore iyo ergey gaara.
Shirka Jabuuti oo noqonaya kii ugu heer sareeyay ee madaxa ka socota Somalia iyo Somaliland la isugu keeno ayaa wadaa qabanqaabisay dowladda Mareykanka, waxaana hoggaaminaya Madaxweynaha Jabuuti iyadoo uu goobjoog ka yahay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.