Dowlad Goboleedka Puntlanda ayaa shaacisay xubnaha Guddiga Doorashada ee heer dowlad Goboleed oo in muddo ah laga sugayey.
Guddigan oo ka kooban 8 xubnood ayaa magacaabidiisa ka dabeysay dadaal ay gashay Beesha caalamka si shir la isugu keeno madaxda dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada oo xal loogu helo khilaafka ka taagan Doorashada.
Xubnaha Guddiyadan ayaan howgeli doonin inta xal laga gaarayo shirka ay qabanqaabineyso Beesha caalamka, waxaase la sheegay in looga Gudbaye shuruud uu shirkaasi ku xiray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland ayaa kala ah:
1- Cabdikariim Muuse Maxamuud
2 – Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3 – Axmed Cabdi Maxamuud
4 – Caynaanshe Yuusuf Xuseen
5 – Caydaruus Axmed Faarax
6 – Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7 – Farxiya Xuseen Maxamuud
8 – Canab Xaaji Saleebaan Warsame
