Friday, June 27, 2025

AKHRISO: Liiska Magacyada Wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shirka 72aad ee Golaha Guud

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka shirka 72aad ee Golaha Guud ee Q/Midoobay, kaasoo hadda ka socda xarunta New York ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo ay sanad waliba isku arkaan khudbadana ka jeediyaan madaxda caalamka, ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya wafdigii ugu tiro yaraa oo uu hoggaaminayo wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana ku wehliyaha:

1 – Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar

2- Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid Maxamed C/llaahi

3- Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed

4- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka Deeqa yaasiin Xaaji

5- Safiirka Soomaaliya ee UK. C/raxmaan Ceynte

Waxaa kaloo wafdiga ku wehliya shirarka wakiilka Soomaaliya ee UN-ka Abukar Cismaan, iyo ku xigeenkiisa Xarbi Kulane oo ka dhex muuqday shirar doceedyada ilaa iminka wafdiga Soomaalida la yeeshay madaxda dunida.

Wafdigan ayaa saddex waqti oo kala gaara tegay xarunta Q/Midoobay ee magaalada New York, waxaana dib uga biiray Wasiirka Haweenka, iyadoo aanay caddeyn inay hore uga mid ahayd wafdiga inay isaga biirtay.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu maanta khubaddii Soomalaiya ka jeediyo shirka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu Golaha Guud ka hadlo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON