Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loogu yeeray inuu jiro kulankii Baaralmaanka oo loo doodayo xeerhoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya.
Golaha Shacabka ayaa bilaabay ka doodida xeerhoosaadka Golaha Shacabka Sabtidii lasoo dhaafay, waxaana dhacday in muran weyn ka dhashay markii Arbacadii uu kooram la’aan u baaqday Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waxaa goobta laga akhriyey xildhibannada maqan ee aan soo xaadirin golaha shacabka, iyadoo guddoomiya ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Muudey uu si kulul uga hadlay xildhibannada maqan, isagoo sheegay inay xaqdarro mushaar ku qaataan, iyadoo aan gudan xilalkooda.
Dhibaatada ka taagan fadhiyada Baarlamaanka oo hore ay hareeyeen dib u dhac ah inay furmaan 12:00 Duhurnimo ayaa haddana waxaa soo wajahay maqnaansho, iyadoo xildhibaannadu ay kaliya buuxiyaan kuraastooda markii uu jiro Mooshin ama doorasho.
HOOS KA AKHRISO LIISKA XILDHIBBANNADA XAADIRAY IYO KUWA KA MAQNAA FADHIYADII UGU DANBEEYAY EE KALFADHIGA 4-AAD