Waxaa la soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose ee maamul goboleedka Jubbaland, ilaa 43 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ayaa lagu doortay magaalada xeebta ah ee Kismaayo.
Toban(10)ka mid ah dadka la dooray waa Haween ka tirsan beelaha dega Jubbaland, taas oo ka dhigeysa in haweenka ay Jubbaland kuraasteeda 43-ka ah ka heleen 23.3%.
Waxaa magaalada Kismaayo lagu soo gababeeyay doorashada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyado lagu doortay guud ahaan 51 xildhibaan.
Ku dhowaad kala bar 43-ka Xildhibaan ee lagu doortay Kismaayo oo ah 16 Xildhibaan ayaa noqday xildhinaano hore, waxyana lix ka mida noqdeen wasiir ka mida dowladdii waqtiyeedu dhammaaday ee Xasan Sheekh, halka wasiir kale laga joojiyay inuu tartamo.
HOOS KA AKHRISO WASIIRADA IYO XILDHIBAANADA DIB LOOGU DOORTAY KISMAAYO
Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig: Xildhibaan iyo Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha.
Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibrahim: Xildhibaan, Wasiir Ku Xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.
Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac, Xildhibaan iyo Wasiir hore ee qoyska
Xildhibaan Xamza Sheekh Xasan Colow, Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Luul Cabdi Aden : Xildhibaan Federaalka ah
Xildhibaan Cabdulahi Yusuf Xasan: Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Cabdi Casis Cabdulahi Yusuf: Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali : Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Cismaan Ibraahim Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Maxamed Cumar Cali Caano-nuug : Xildhibaannadii KMG
Xildhibaan C/raaxman Kumiye Xirsi, Xildhibaan iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha
Xildhibaan Sahro Jaamac Qorsheel : Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Liibaan Osman Abdirahman: Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Cabdi Cali Xasan : Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan : Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Cabdulahi Maxamed Aden-Shaacir: Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi : Federaalka ah
Goobjooge.com