Friday, June 27, 2025

AKHRISO: Liiska Xilalka ka bannaan Xukuumadda Soomaaliya & Ra’iisal Wasaare Kheyre oo isku shaandheyn sameynaya

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahay xaaladii ugu darneyd, kadib markii ay  xilalka iska casileen ama laga qaaday 5 wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle. 

Waxaa xukuuamdda dhowaan iska casilay xubnaha kala ah: Wasiirkii Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan oo lasoo magacaabay aakhirkii  November 2017 iyo wasirka Tamarta iyo Biyaha  Saalim Caliyoow Ibroow oo isu casilay si ay u galaan tartanka doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa isla xilka guddoomiyaha Baarlamaanka isu casilay Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Ibraahin Yaroow Isaaq iyo Wasiiru dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyadoo ay arrintan uga sii dartay xaaladda xukuumadda oo horeba ay uga maqnaayeen saddex wasiir.

Waxaa muddo dheer bannaan Wasaaradda Gargaarka iyo Bini’aadanimada oo ay iska casishay Maryan Qaasim 15-kii November 2017, kadib markiii ay sheegtay inay ku shaqey karin isku dhex yaaca xukuumadda Kheyre iyo Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Iimaan C/llaahi Cali oo xilka laga qaaday 26 kii November 2017 kii.

Waxaa iska haawanaya xilak Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta oo uu banneeyay C/raxmaan Cumar Cismaaan loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir 20 kii January 2018.

XILALKA KA BANNAAN XUKUUMADDA

1- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga

2 – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

3 – Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta

4 – Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Bini’aadanimada

5- Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

6 – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

7 – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaaliya ayaa la sheegay inuu qorheynayo isku shaandheyn uu ku sameeyo Golaha Wasiiradiisa markii ugu horeysay, iyadoo xubno cusub lagu soo darayo xukuumadda, isla markaana lagu xoojinayo shaqsiyaad Baarlamaanka ku jira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON