Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayayaasha Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare goor dhoweyd shaaciyey Liiska Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee la soo doortay.
Dhammaan Liisaska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada ayaa la soo bandhigay, iyadoo laga reebay xubn uu ugu muhiimsan yahay La-taliyaha Farmajo, ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Waxaa kaloo liiska K/Galbeed laga reebay saddex xildhibaan oo kuraastooda khilaaf ka dhashay, lana joojiyey, sida Kursiga uu dacwadda ka keenay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Kursiga uu dacwadda ka gudbiyey Wasiir Jaamac iyo Kursiga ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.
Xubnaha laga reebay liiska la shaaciyey ayaa kala ah:
1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – Hirshabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon
HOOS KA AKHRISO LIISASKA LA SHAACIYEY








