Waxaa maanta magaalada Cadaado ka dhaceysa caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Xafladan ayaa la sheegay inay ka qeybgeli doonaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, iyadoo ay halkaasi gaareen wufuud kala duwan oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Cabdi Faarax Juxa.
Madaxda lagu wado inay ka qeyb galaan caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug, waxaa ka mida:
Madaxweynaha dowladda Federeaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle, Jubaland, K/Galbeed iyo Puntland, waxaa kaloo xafladda ka qeyb galaya madaxda Gobolka Banadir, wakiilada Beesha caalamka iyo marti sharaf kale.
Ammaanka magalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la xiray goobta xafladda ka dhaceyso, waxaana magaalada gaaray ciidamada ilaalada madaxweyne Farmaajo.
Goobjooge