Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Madaxweyne Farmaajo oo Laba Qodob oo guul ah kala soo laabtay socdaalkii Itoobiya

Socdaalkii Madaxweyne Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegay Itoobiyaee qaatay 24-ka saac wuxuu ahaa socdaal rasmi ah oo arrimo badan ka dhasheen.

Soo dhoweyntii loo sameeyay waxay ahayd mid weyn oo ku tusineysa inay Itoobiya gaartay farriintii dadka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed ee sida cad looga hor yimid rabitaankii Itoobiya.

Guud ahaa socdaalkii Farmaajo ee Itoobiya waxaa la oran karaa waxaa ka dhashay laba guul oo ka timid Itoobiya iyadoo aan la weydiisan, kuwaasoo kala ah:

1 – Inay madaxda Federaala Soomaalida ula dhaqato sida madax la siman iyaga oo dal xor ah metela, waana tan ka muuqatay soo dhoweyntii iyo balanqaadkii Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailamariam Desalegn.

2- Guusha labaad ee ugu weyn ayaa ah in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee ahaa in dowladda  Soomaaliya ay tahay tan kaliya ee Qaranimada Soomaaliya metesha oo ay marayaan Soomaaliya markii ay doonayaan in ay la xiriiraan maamul kamid ah Federaalka Soomaaliya.

Dad badan ayaa shaki ka qaba balanqaadka Itoobiya, laakiin waxay muujineysaa in ereyadii ku jiray khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee maalintii caleema saarka ay gilgileen Itoobiya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON