Maxkamadda Ciidamada Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xukun toogasho ah ku fulisay 18 qof oo lagu helay falal aragagixisonimo ah iyo in ay ka tirsanaayeen Alshabaab.
Eedeysanayaasha markii hore dilka lagu xukumay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa gaarayey 17 eedeysane, laakiin Maxkamadu waxay dib ugu noqotay Kiiska eedeysanaha kale oo xabsi daa’in lagu xukumay, balse lagu noqday, iyadoo saaka Gaalkacyo lagu toogtay 18 eedeysane.
Dhinaca kale magaalooyinka Garoowe iyo Qardho, lagu toogtay 3 qof oo kale. Waxayna ahayd toogashadii tirada ugu badan oo Alshabaab ah mar qura lagu dilo gudaha Soomaaliya.
Xubnaha lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, waxay kala yihiin:
1- Maxamed Cabdi Raage (Indha-buur) – Ku dhashay Kismaayo (55 sano jir)
2- C/qaadir Axmed Buraale Muuse – Ku dhashay J/Hoose (32 sano jir)
3- Maxamed Xaashi Muumin Sabriye (Abuu Dayibi) – Ku dhashay B/weyne, Hiiran, 52 sano jir (Amiirkii Alshabab ee Gobolka Mudug).
4- C/qaadir Axmed Umal Warsame (Abuu Cabdalla) – Ku dhashay Gaalkacyo 30 jir.
5- Maxamed Axmed Cali Cawke (Jeeri) – Ku dhashay Muqdisho, 36 sano jir.
6- Qaasim C/qaadir Jeylaani Xuseen (Alturaabi) – Ku dhashay Marko, Sh/Hoose, 30 sano jir.
7- Maxamed C/llaahi Ayaanle (Abeyle) – Ku dhashay Mareerey, 35 sano jir
8- Feysal Axmed Bashiir (Gujis) – Ku dhashay Gaalkacyo (31 jir)
9- Sahal C/llaahi Jaamac – Ku dhashay Laan-madow (32 sano jir)
10- Idiris Maxamed Afyare – Ku dhashay Muqdisho, 25 sano jir
11- Salmaan Maxamud Saleebaan (Al-faarisi) – Ku dhashay Baydhaba (26 sano jir)
12- Jaamac Muriidi Xuseen Maxamed – Ku dhashay Buulomareer, 20 sano jir.
13- Maxamed Cali Kalaay – Ku dhashay Shalambood, Sh/Hoose, 40 sano jir
14- Nageeye Muuse Macow Sabriye – Ku dhashay Xamar, 38 sano jir.
15- Maxamed Maxamuud Axmed Cumar – Ku dhashay Jowhar, 34 sano jir
16- Cali Ibraahim Nuur Shuceyb (Cali Jareer) – Ku dhashay Afgooye, 35 sano jir
17- Maxamed C/llaahi Abkow Cali – Ku dhashay Mareerey, 37 sano jir.
18- Maxamed Cumar Muudey – Ku dhashay Marka (41 sano jir)
