Waxaa weli lagu la’ yahay Magaalada Baledweyne ilaa 10 qof oo ka mida dadkii ay la degtay Doontii ay la socdeen, dadkaas oo ka tirsanaa Maamulka degmada Beledweyne, samafaleyaal iyo ganacsato.
9 qof ayaa wli lagu raadinayaa Nolol iyo Geeri, inkastoo dadkaas maqan loo maleynayo inay dhinteen dhammaantood, waxaana ku biiray laba qof oo la sheegay inay xalay isku dayeen inay u gudbaan xaafadaha magaalada Beledweyne oo midkood uu dhibaato wajahay, kadibna midkii la socday uu u gurmaday, kadibna la waayey raq iyo ruux.
Magacyada dadka meydadkooda la raadinayo waxaa ka mida:
1) Sharma’arke Khaliif Xassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne
2) Dahabo Axmed Xassan- la-taliyihii Sare ee Arrimaha haweenka Madaxweynaha Hir-Shabeelle
3) Khaliif Xassan -Agaasimaha Xafiiska Duqa Baladweyne
4) Deeqow Abdi Cariif – Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne
5) Gueleed ibraahim – IT dowlada Hoose Baladweyne
6) Cabdi Keynan (Abdi kuus) . – Darawalka duqa Baladweyne
7) Shariif Hassan Ganey (Shariif Carrabey) – Saaka ayaa la helay meydkiisa, waana Ganacsatade.
8) Macalin Nuur – Ganacsade
9) Axmed Cali Cusmaan (Ahmed Ganey) – Ganacsade
10) Wiil uu dhalay Naaquudihi Doonta waday oo 16 sano jir ahaa
iyo laba qof oo xalay lagu waayey webiga, kuwaasoo aan magacyadooda la helin.





