Waxaa isbitalka Hamad ee magaalada Doha lagu daweynayaa 12 qof oo ah dhaawacyadii laga qaaday magaalada Muqdisho ee uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow iyo xubnihii maamulka G./banaadir ee ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka G/banadir.
12-ka ee dhaawacyadooda loo qaaday dalka Qatar ayaa lix ka mida ay ahaayeen dhaawacyo halis ah oo laga keenay Boosaaso iyo Kismaayo, halka ay ku jireen dad ku dhaawacmay qaraxii KM4 oo xaaladooda ay ahayd halis, waxaana wararka laga helayo dalka Qatar ay sheegayaan in qoyska Guddoomiye Yariisow la filayo inay maanta gaaraan magaalada Doha, iyagoo ka imaanaya magaalada London.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA DHAAWACYADA
1- C/raxmaan Cumar Cusmaan
2- Seynab Maxamuud Warsame
3- Maxamed Cismaan Cali
4- Xareeda Cabdi Cismaan
5- Yusuf Xasan Barre
6- Ibrahim Axmed Xuseen
7- Cumar Sheekh Aadan Axmed
8- Maxamed Mohamud Abdi (Gaabane)
9- Axmed Xaaji C/raxmaan
10- C/raxmaan Maxamuud Xuseen
11- Faaduma Cawil Salaad
12- Bile Axmed Hersi